maxamed cabdi xabeebSomaliya oo ah dal ku yaal geeska afrika aya wixii ka danbeyey sanadi 1991 waxay noqotay dal an aysan ka jirin xukumad ka arrimisa guud ahan dalka oo ah dal balaran, balse wax ka dhashay qaar ka mid ah gobolda dalka maamulo kuwasi oo u kala baxay kuwo jecel somalinimaad iyo weliba kuwo la diriraya eryga somaliya

Maamulka la magac baxay Somaliland aya sanadkii 1991 waxaa loga dhawaqay gobolada waqooyi galbeed somaliy ee Awdal, waqooyi galbeed iyo gobolka togdheer kuwasi oo sheegay in ay ka go’en gebi ahan ba dhul waynahii somaliya lana magac baxeen Jamhuuriyada Soamliland, Siyaasiyiin iyo wax garad ka soo jeeda gobolada ayaa iyagu ahaa kuwo xiliga isku tagay in ay samaysatan maamulkasi oo ay kaga dhuunta dagaalad ka soconayeye dalka intisa kalen waxayna ku guleysteen in ay sameeyan xilliga maamul ka taliya gobolada

Mas’uul walba oo qabta xilka ugu sareeya maamulka la magac baxay somaliland ee gobolada waqooyi galbeed somaliya waxa kuu geed gaban iyo geed dheer ba u fulaa sidii uu aqoonsi uga heli hala caalamka loona aqoonsan laha in ay yihin Dowlad balse waxa waji gabax ku noqotay mas’uul walba marka uu tago dalalka calamka una gud biyo qorshihisa ku wajahan in al aqoonsado ayaa waxa logu jawaaba somaliya mahan dal kala go’i kara wax aqoonsi ahna kuma siin karno ee waxa tihin somali mana dooneyno in ay Somaliya kala go’goyno maax yela somaliya waa hal dal

Shacabka iyo mamulka aya ah kuwo ka siman hal fikarad oo ah in ay ak go’een somaliya inteeda kale oo ay yihin dowlad somaliya deris la ah, waxayan ula dhaqmana dadka shacabka ah ee kala yimaad somaliya inteeda kale in ay jogan dal ajnabi ah oo qof walba waxa uu u arka in Ay somaliland tahay dowlada gaar ah waa shacabka degan gobolada waqooyi galbeeed somaliya

haddaba waxan safar ku soo maray gobolada waqooyi galbeed somaliya ee la magac baxay somaliland waxan ka kulmay waxyabahan hoos ku xusan

Waxay ahayd 06/05/02009 markii an ka soo baxay magalada xeebta ah ee mashquulka badan ee u ah xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso anigoo u soo kicitimaya dhanka magalada Hargaysa ee Xarunta u ah Mamulka la magac baxay Somaliland waxaana ku soo maray safar dhanka dhulka ah

12:50 Pm ayan Gari Mark!! ah ee somalidu u taqan market ka soo racay goobta laga raco baburta u baxaysa hargaysa waxana soo maray wadada lamiga ah ee bosaso uga soo baxda dhanka koonfurta dalka somaliya waxan soo marnay magalooyin waa weyn oo ka mid ah maamulad Somaliland iyo Puntland

Laga bilaabo maagalada an ka tegay ee bosaso ee puntland waxan intooda badan marnay xili habeen ah marka laga reebo maagalada madaxda Puntland ee garoowe oo anu soo marnay xili arooryo hore ah, waxay indhagagu qabanayn marka ad mareeyso wadada lamiga ah abaar balaran oo ka jirta Deeganka tasi oo an indhaha qofka xiliga maraya ama degan degankas uu sa maxayn in uu sii firiyo abartaan owgeed

Xiliga habeenkii ahaa ee unu marayney inta u dhexeysa magaloyinka bosaso iyo garowe ma jirin wax amni xuma ah ee anu la kulanay xaladuna waxay ahayd mid degan waxan ka jirtay kul kasi oo uu sababay sida ay ii sheegan qaar ka mid ah dadka degan maagaloyiinka oo an la kulmay waxana ka waydiyeye xaladaha magalada uu xiliga jogo inta badana waxay ii sheegan in ay hada ka jirto abar balaran kulka nina uu yahay abartan, basle ammanku uu yahay mid wanagsan

Gobolka sool oo ah gobolka ay isku hayan maamulidisa maamulka Puntland iyo somaliland aay ah gobol leh xasasiyad gaar ah, deganka tuko raq oo laascanood xarunta gobolka sool ka xigta dhanka magalaad garowe waa goobta ay joga ciidamaada darawiishta dowlada goboldka somaliyeed ee puntland waxanaa halka ku arki karta gadiidka dagalka iyo weliba ciidan gooobta ku sugan waxana la is tajinaya baaburta iyadoo la barayo balse markii anu soo garnay goobta ayan waxana la kulmin wax dhib ah waxan u ugudubi dhanka mamulka somaliland, ciidanka somaliland waa kuwo ku sugan irida hore ee magalaad laascanood

Marka uu soo garay gariga an sarnayn barta kontrolka ee ay jogan ciidanka somaliland ayaa waxa nalagu amray in an ka soo degno gaariga waxana ka soo degnay gaarigii iyagoo baray gaariga kana soo dejiyeye boorsooyinka rakabka kuna amray in shaqsi walba uu furo borsada uu wato iyago gebi ahanba bananka ka soo dhigaya dharka ku jira borsada. waalow ayasna jirin wax inta ka buran oo an kala kulanay inta ay wadeen baritanka ciidankasi marka laga reebo baritankaan kaliya

Waxan u gudubnay gudaha magalada laascaanood anaga oo ka quracanay hotelka la yirahdo Xamdi intii ay rikabku quracanayeen ayan waxan socdalku soo bixiyeye gudaha madalaad lascanood anoo ka soo bilabay irida hore ee magalada oo ah meesha uu ku yaal hotelka xamdi waxaan ku garay meesha laga baxo maagalada waa marka ad u socoto dhanka waqooyiga

Laascaanod waa maagalada xarunta uu ah gobolka sool waa maagalo weyn dhisamahan waxayna leedahay dhismayaal qurux badan waxayna ku taalaa labo burood dhexdood ,intii an dhex maryey waxay indhaygu qabteen wax yabo kal duwan inta badan maagaladu waa cidlo ama waa faruuq oo ma arkayso dad meel wada jooga waxana arkeysa marka ad cabaar socoto qof keliya oo meel maraya intii in marayey gudaha magalaad weli indhaygu ma qaban dhalin yaro ee waxan arkayey odayaal iyo dumar iyagu wata howl mal meedkoda, marka la soo garo meesha laga baxo magalada ayan waxan ku arkay koox odayaal ah oo iyagu fadhiya meel kuwasi oo ku mashquulsan waxay somalidu u taqan Korka bood ama shax

Guud ahan magalaad laascanood waaxay u muuqata goob dagaal oo waxa ad arkaysa dad shacab ah oo iygau wato hubka fudud una malayn meeyso goob maamul ka jiro ee waxad u malayneysa goob ciidan, shacabka ayaa hada ah kuwa an ku qanacsannayn jogi tanka cidanka ka amar qata maamulka somaliland, qaar ka mid ah shacabka oo an wax ka waydiyey ayaa waaxay ii sheegen in aysan u aqoon maamulka somaliland dowlad

Maamul meel uu ka arrimeyo waxa lagu yaqan in ay ka socdan howlaha mamulka iyo weliba qadida cashuurata laascanood lagama qaado ganacsatada wax cashuura waxan sida ii sheegay Hooyo ku gacansaneysay gudaha maagalaad laascanood oo an la kulmay laguna magacrabo Caasho Siciid Ciise, sidoo kale Caasho waxay ii sheegtay in Uu mamulkani uu sana aahayn maamul ee uu yahay magac oo keliya soolna uu xakumin

Safarakayagii ayan sii wadanaya ku wajahna maagalada hargaysa waxana soo marnay magalooyin waweyn oo ka tirsan somaliland balse waxan kala kulanay ciidanka ka amar qata maamulka lamagac baxay somaliland waxyabo badan oo ku habonayn in lagu sameeyo shaqsi muwadin somaliyeed oo u kala safraya gobolda dalka somaliya

Guud ahan xarumaha ay jogan ciidanka ka amar qata mamulka la magac baxay somaliland ee aya ahaa kuwo lagu dhibo dadka rikabka ah ee ku safraya wadada laguna waydiyo waxyabo an ku haboonayn in al waydiyo muwadin somaliyeed, waxayna nagu amran meel walba oo anu soo istagno in an ka soo degno gaariga soona rogno borsooyinka furnona waxa alab ku jiratana bananaka ka soo dhigano una baran shey shey

Deeganka Caynabo waxay ka mid tahay goba’ah an kala kulanay waxyabahan foosha xun markii uu gariga soo istagay kantaroolka ayaa waxa lagu wargeliyey wadihi gariga in uu dhigo meel bakin ah gari waxana garigi la dhigay goob u dhoow kartaloorka, waxana gebi ahanba laga soo dejiyeye wixii sarna gaariga iyagoo barintan nu geysaty xata waxa la baray jeebabka rakabka oo bananka laaga soo dhigaya wixii jeebka ugu jiray shaqsiga safariga ah

Intaa oo keliya nogama harin ee waxay noo gudbiyeen shaqsi ay nogu sheegen in uu yahay Taliyaha goobta waxana uu jogay meel ka samaysan cooshad waxan uu cunayeye qaad waxaan uu noo sheegay in anu qof qof ugu soo galno

Waxana loo gelayeyey shaqsi shaqsi waxana uu u qof walba u sheegayey in uu u jiro xoga kana fogado isaga
“‘haa soo gal halka fariso, keen sharcigagi ,sheeg magacaga, xagee ka timi, qabiilkagu yaaweye ?”" ayuu waydinaya qof walba

Waaxana logu jawabayeye sidan aniga oo ka mid aha dadka la waydinayo suu’alahan ”haye, sharciga la iga raba muxu yahay somaliya ayan joga miyan dal kale tegay ,waxa la i dhaha maxamed ,waxan ka imi meel ka mid ah somaliya waxan ahayn somali ?” ayan ugu jawabay

Waxa kale oo i waydiyeey ma Xamar aya ka timi mesi bosaso ? waxan ka imi Meel ka mid ah somaliya waxana ka ma gelin goobta an ka imi ee adiga maxa kaga xirin meesha an ka imi ayeey ahayeen waxan ugu jawab celinayey
Dhamaan suu’alahan iyo jawabahan aya aha kuwo ay ka sinayeen rikabka an la socday oo la waydinayeye qof walba

Inta marka uu u sheegay ruux walba aya waxa uu amar ku siyey askarti in dadkan la geeyo meel ay u samayeen in wax ay ku xiran waxan waydinay waxa nalagu xirayo waxan uu sheegay in a tihin dad qas wadayal ah kana yimi somaliya donayan in ay wax rabshadeeyan mana lihidin wax sharci ah ee waxaad soo gashan labo mid kood
Waa tan koobade in ad sheegtan qabiilkina, meesha ad ka timadeen ama ad bixisan lacag dhan qof kiba 30 $doollar oo ganax ah
Aad ayan ula yabnay waxa uu ku hadlayo waxana ugu jawabnay ma nihin waxad sheegayso ee waxa nahay dad rikab ah waxad shegaysona manaqan meel ad ka kentay wana wax laag xumada in ad sida u hadsho adoo somaliya aha miyaa nahay ajnabi

AAAAAAAAAAAH AAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAH waa maxay somaliga ad shegaysan Adeer halkan waxa la dhaha Somaliland mana ahan somaliyee ee waxa laraba in ad u hogan sannatan Amarka sharci aya ka jiraa ayuu noo shegay waxan nala geyey meel coshad ka dhisan oo ah meel ay dadka ku xiran waa sida uu noo sheegay mid ka mid ah askarta oo an wax ka waydinay arrintan

Dood dheer iyo wada hadal u dhexeya Anaga ,taliyihi iyo weliba askarti meesha aya noo samaxday in an dib u sii wado safarkeena anaga oo qof walaba laga qaday lacag dhan 20$ Dollaar oo ay noo sheegen in ay tahay ganax.

Deganka Caynabo ila magalada hargaysa waxan la kulmeyney dhacadan an kor uga soo waramay oo goob walba waxa na la waydinayeey wixii nala soo waydiyey iyo baritan walow an wax kale an soo garin naftayada.

Hargaysa waa maagalada xurunta u ah mamulka lamagac baxay somaliland waa magalo weyn waxanaya leedahay wadooyin waa weyn waa maagalo qaabooow ammaan ahan waa uu ka wanagsan yahay gobolada kale ee maamulkan ka arrimeyo, mana la kulmin wax dhib ah walow an ka bixin hotelkan kaga degnay magalada ee Yasmiin Hotel oo ah xarunta loga baxo dalka Ethopia oo ahayd meesha safarkeenu ku wajahna

Waxan maagaladan hargaysa ka racnay gaari mark!! kasii oo nageyeye deeganka xududa ah ee u dhexeysa somaliya iyo Ethoipa ee Tog Waajale
Tog Waajale waa goob caan ku ah dhanka ganacsiga inta badan dalka somaliya waxa loga qada alabta qaybaheeda kala duwan waxayna u kala qaybsantahay labo qaybood wana qayb ay degto somalida iyo qayb ay degto Somalida Ethopai

Waxana ka baxa labo gaari oo ah mid marta dhinaca beeraha qaadka oo ay racan dadka sharici darada ku galaya dalka ethopia iyo wado marta Xarumaah socdalka dalka ethiopa ee ku yaal Waajale oo ay isticmalan dadka wata shariciyada labaduba waxay ku kulman magaalada Jigjiga Ee Xurunta u ah Kilinka Somalida Ethoipia

Jigjiga waa magalo weyn waxayna ka mid tahay magaloyinka ugu waweyn ethopia waxana magalaad xarunta u ah kilinka shanad ee ay degaan somalida waxayna leedahay wadooyin waweyn iyo dhismamayal qurux badan

Waxana halka ku yaal xafiisyo ay leyihin shirkado iskashato gaadid oo ka kala shaqeeya addis ababa iyo jigjiga kuwasi oo dadka Rikabka ah qadaa, waxan ka racnay mid ka mid ah gadiidka kasi oo nageyey magalaad xarunt u ah dalkani ethopia ee addis ababa

Marka la is barbar dhigo Puntland iyo somaliland waxa dareemaysaa wax yabo badan taasi oo uu dareemi karo shaqsiga mara gobolada guud ahantooda Puntland waa gobolo ka mid ah somaliya kuwasi oo ah kuwo aad ka dareemi karto in ay yihin kuwo somalinimada laga jecel yahay oo arki meyso cid ku dheheysa xagee ka timi yase tahay, balse somaliland oo ah iyaduna gobolo ka mid ah somaliya ayaa ah kuwo ad ka dareemeyso in ay yihiin gobolo an laga jeclayn somalinimada oo waxa la guwaydiinaya yaa tahay xagee ka timi iyo waxyabo kale

Isku soo dubo safarkan aayan ahayn safarkii Midkii ugu horeyey ee an ku imada balse waxa uu aha safarkii igu xumaad intii an ku soo jiray deganka mamulka la magac baxay somaliland kasii oo aha mid lagu tilmami karo mid ka fog xaquuqda islaamka iyo weliba tan uu leyahaya muwadiininta somaliyeed oo xaaq u leh in uu ku safro guud ahan dalka somaliya si siman oo an laga xigi gobol kasta, degma kasta iyo weliba tuula walba ee ay isgu mid yihin, Haddaba maamulkan la magac baxay somaliland ma sidan aya dan ugu jirtaa? mise waxay ku helayan aqoonsi sidan?

Wariye Maxamed Cabdi Salaad (xabeeb)

Xabeeb76@hotmail.com 

Buruc News