Maanta waxay Ummada Somaliyeed u tahay maalin qiimo weyn ugu fadhidaa, isla markaana kaalin weyn ku leh dhalashadii iyo hanasahadii xorriyada ummada Somaliyeed ay hanatey sanadkii 1960-kii
Halgankii ummadda Somaliyeed uu hogaanka u soo hayay xisibgii SYL iyo qaar ka mid ah halgamayaashii dalka u soo halgamay waxay aheyd talaabo loo qaaday dhanka sidii la isaga qaadi lahaa heeryadii guumaysiga isla markaana ummada Somaliyeed loo gaarsiin lahaa xoriyad taam ah
Dad badan oo Somaliyeed ayey suurtagal tahay inaanay maanta la socon inay tahay maalin quluubta shacabka Somaliyeed kaga taal meel muhiim ah, isla markaana taariikhda Dalka Somaliyeed ka gashey baal dahab
66 Sano ayaa ka soo wareegtay markii dhalinyarada somaliyeed ee 13 ah aay aas-aasen ururka Syl ayna u tafo-xayteen in aay wax u qabtaan shacbiga somaliyeed gumeeysigana ka saaran, balse hadii aan taariikh ahaan dib u jaleecno sidii aay ku aas-aasmeen Ururkaa waxaa isu yimid dhalinyaro aan isku heyb ama aan isku qabiil ahayn oo gaaraysa 13 dhalinyaro ah oo isku dhaarsaday sidii aay ummada wax ugu qaban lahaaayeen ujeedo iyo hal moowqifna way ka mideeysnayeen kaasi oo ah in ummada somaliyeed laga saaro gumeeysiga
Waxay markii hore la baxeen magaca ah Somali Youth Club iyagoo ka yara cararayay in la fahmo oo aay kaartadu ka liicdo, magacaas baay waqti kooban wadeen balse markii dambe waxay u xuubsiibdeen magaca ah Somali Youth League oo lagu soo gaabiyo S Y L
SYL WAXAA LA AASAASAY
Ururka SYL waxaa la aas-aasay 15 May 1943-kii markaa ayayna bilaabeen dar dar culus oo ay isku ballaadhinayeen, iyagoo gobolada dalka meel kasta xubno u diray oo halganka doc ka wadda
Nasiib wanaag markaas waxaa jiray dad somaliyeed oo somalinimo ka muuqato inadeer iyo hayb aaysan ku jirin dhalinyaradu maaysan haysan gawaari, xaafiisyo iyo wax walba oo lagu dhaaqajin karay hoowsha culus oo aay u bareereen
Dhallinyaradaas waxaa si hagar la’aan ah u garab istaagay shacbiga somaliyeed oo u oomanaa in dowladd iyo cadaalad la helo, una baahnaa in laga saaro gumeysiga ay ku jireen, waxaana hodheel iyo xaafiis aay ku shiraan u ahayd hooy ama xaafado dad somaliyeed aay daganaayeen oo markii aay tagaan gobolada somaliya lagu casumi jiray xaafado
Dhalinyarada Syl Waxay Ahayeen kuwa xasuus dheer ku leh ummada somaliyeed waxayna joogeen waqti aad ugu wanaagsan madama xiligaan aaynu ku jirno aay ummada somaliyeed lafaha iyo dhuuxa aay ka galeen xumaanta iyo qurunka uu wadda qabiilka una moodid in lagula dardaarmay jiil jiil uu gaarsiyo wasaqta uu qabiil la dalaa dhacayo, waxayna guushoodii ugu horeysay soo hoyen 26 juun 1960 oo markii ugu horeeysay xorriyad ka helay gobolada woqooyi gumeeystihii ingiriiska waxaa xigay 1 dii luulyo 1960 oo aay gobolada koofured ka qaadeen xorriyada gumeystihii talyaniga iyo midoowkii labada gobol oo aay halkaa ka dhalatay markii ugu horeeysay tariikhda jamhuuriyada somaliya
BAL HADDABA AAN IDIIN XASUUSINO SADDEX IYO TOBANKII DHALINYARO EE DHALIYEY XORRIYADA AAN MAANTA HARSANEYNO
1. Cabdiqaadir Saqaawadiin, Waxa uu ku dhash
ay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919kii.
2. Siidii Xirsi Nuur, waxa uu ku dhashay Magaalaa Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915kii
3. Yaasiin Xaaji Cismaan, waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii
4. Xaaji Maxamed Xuseen, waxa uu ku dhashay Moqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii
5. Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Moqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii
6. Dheere Xaaji Dheere, Waxa uu ku dhashay Moqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii
7. Daahir Xaaji Cismaan, Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii
8. Cali Xasan Maxamud, waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii
9. Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii
10. Maxamed Faarax Hilowle, waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii
11. Xaaji Maxamed Cabdillaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay Moqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii
12. Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose sanadkii 1926kii
13. Maxamed Cismaan Baarbe, waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo sanadkii 1910kii
DHANKA KALE MAXAD KA XASUUSATA HALGAMAGII SAMEEYEY CALANKA SOMALIYA
Maxamed Cawaale Liiban ayaa ka mid ahaa halgamayaashii gobannimada Somaliya ka soo hooyey gumeysiga
Waxuuna Caan ku ahaa uuna sameeyey calanka Soomaalida 1954kii, siiyeyna micnaha qotada iyo xeesaha xambaarsan ee calanka Somalidu leeyahay. Kaas oo ah:
1-Xiddigta cad ee shanta gees leh: Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.
2-Midabka buluugga khafiifka ah : Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay
Dagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL .Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaa waxaa ugu waynaa ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa dhalaanka ka dambeeya
XUSKA MAALINTAN EE GUDAHA DALKA SOMALIYA
Haddaba maanta ayaa sii weyn loga xusaya dhamaan dalka somaliya maalinta dhalinyarada somaliyeed, waxana la filaya in xaflado aad u weyn laga dhigi doono magaaloyiinka Moqdisho, Bosaso Iyo Garoowe sidoo kale waxa laga xusi doona magaalada Baydhabo sidaa aay u xaqiijiyeen ururada dhalinyarada ee halkaasi ku sugan
Maanta oo laga xusi doono somaliya qeybo ka mid ah maalinta dhalinyarada somaliyeed ayaa hadana waxa ka jira qeybo ka mid ah dalka somaliya dagaalo aad u xoogan kuwasi oo u dhaxeeya kooxo iska soo horjeeda
Source Somalifans.Net








1 comment
Comments feed for this article
June 27, 2009 at 1:35 pm
cabdikariin
waan idin salaa may dhamaan sxb da wab kaan waxaan idin kugu mahad calinayaa sida wanaag san oo aad maalintaan xusida mudan aad uqiimey seen waxaan jec laa lahaa hadaad awoodaan maalin taas wax gaba yaa oo kahad laya gobonimada qiimaheeda inaad iisoo dirtaan