khayreSidaan lasocono ururada isku magacaabay al shabaab iyo xisbul islaam waa ururo marnaba aan raali ka aheeyn dawladnimo iyo midnimada soomaaliyeed taasina waxaa kuu cadeeyneysa goobaha ay ka taliyaan ayeey waxay u diideen in laga xuso 1 luulyo oo aheeyd maalintii aan xoriyada ka qaadanay gaalada gacmahana ay is qabsadeen waqooyiga iyo koonfurta hadaba al shabaab iyo xisbul islaam hadeey ka soo horjeedaan maalitaas xusida mudan , mala rumeeysan karaa fekerkeey wataan oo ah dalka waxaan ka xoreeynaynaa gaalo

Runtii waa wax lala yaabo oo qofka soomaliga ahi caligiisa kaweeyn qadyada ay wataan ururadaan sheeganaya iney dalka diin ku dhaqaayaan , diinta u banaynaysa in dad aan maamul iyo nidaam haysan gaajo iyo rafaad iyo barakac ku jira wax ay cunaana ay haysan in lugaha iyo gacmaha ay ka gooyaan waliba iyaga oo aanan loo wacdin oo aanan waxba loo sheegin maxaa yeelay diintu maahan in gadaal laga soo bilaabo ee waa in sida ay u kala horeeyso la is waafijiyaa xukunka waxaa ka horeeya wacyi gelin dadka loosheegaayo waxa lafaray iyo waxa laga reebaayo

Hadaba aniga fekerkeeyga hadaan ka hadlo , waxay iila muuqataa alshabaab waa dad laga soo diray wadamada khaliijka iyo pakistan iyo wadamadaan shiidalka heeysta ee ku yaala Asia , wadamadaa khaliijka ahi hadii soomaaliya ka dhalato dawlad waxay og yihiin in talaabada koowaad ay somaliya ku dhaqaaqeeyso ay tahay in shiidaal lasoo saaro hadii shiidaalka lasoo saarona wad la socotiin waxay ku noqoneysaa dhabar jab maxaa yeelay maraakibta aadda wadamada khaliijka sida sacuudiga iyo emaraatka oo ka timaada wadamada yurubta waxay ku soo xiranayaan soomaaliya maxaa yeelay maraakiibtaas waxay maraan xeebta bada cas ee somaliya marka somaliya ayaa waxay noqoneeysaa istiraatiiji meel oga dhoowna u noqoneysa kharashki iyo canshuuraha faraha badan oo ay ku aadi jireen khaliijka way iska dhaafayaan sidaasna waxaa ku falismaaya oo wax ku waynaaya wadamadaas shiidaalka u dhoofiya yurubta iyo USA

Marka wadamaas khaliijka waxay dagaal af iyo adinba ay ku haysaa soomaaliya iyagoo adeegsanaaya al shabaab ( AL HABOOW ) iyo xisbul islaam ( XISBUL DAGAAL) taasina waxaa kuu cadeeynaysa saraakiisha ugu waa weyn oo u taliya wad la socotiin waa dad ka soo jeeda sacuudiga iyo pakistan qadyadooduna ay tahay inaanan lahelin dawlad soomaaliyeed iyagoo adeegsanaaya caruur yaryar oo aan caqli laheyn iyo niman caada qaatayaal ah oo dalka iyo dadka aan sumcad ku lahayn .

Talo Soo Jeedin Ku Socota Dadka Reer Punland

Hadii dadka reer koonfureed ay fahmi waayaan waxa iyaga dan u ah oo maamulo samaysan waayaan , puntland waa iney aayaheeda ka tashataa oo sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameeyaa dawlad madax banaan kana madax banaan koonfur maxaa yeelay 20 sano baan marti u aheeyn oo aan iyaga dartoon u socon waynay waa inaan khayraadkeena ka faa’iideysanaa waa inaan hormarinaa wax walba oo lagu talaabsan karo oo dadka wax taraaya ,

Sidaas ayaan ku hormaraynaa laakin inta aan sugeeyno dawlad ka dhalata moqdisho weligeen sidaan baan ku jireynaa horayna uma soconayno soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ( hal sodon maalmood qaday maalin kuma dari waydo ) dagaalada moqdisho ka socdo way 20 sano jirsatay saan saan nabadeedna kama soo socdaan ee dadka reer puntlandoow aayihiina katashada

Khayre Axmed Aw Osman

Kheyre77@hotmail.com