AUN Ibrahim Osman Abukar (Uunlaye) Oo ku geeriyooday Nairobi

Posted on May 13, 2012

1



Allaah Ha U Naxariistee Ibraahim Osman Abukar (Uunlaye), Ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee Xurunta dalka Kenya, Waxa Geerida Marxuumka Saxaafadda U Xaqiijiyey Xoghayaha Safaarada Soomaalida Ee Dalka Maraykanka Eng Ahmed Haji Hajji Ibrahim Artan

Marxuumka Ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Khan Hospital Ee Magaaladda Nairobi, Waxana la filaya in Beri lagu Aaso Islaa Magaaladda Nairobi

Aaska Marxuumka Ayaa la filayaa Inay ka qeyb galaan Mas’uuliyiin ka socda Safaaradda Soomaalida ee Nairobi, Gen Morgan, Ibraahim Artan Beeldaaje (Haji Bakiin)  Iyo weliba Madax kale oo fara badan

Ibrahim Uunlaye ayaa ka mid aha Ganacsatadii Ugu waweyna ee Soomaaliya, Waxana u ku dhashay Magaaladda Kismaayo 1918

AUN Ibrahim Osman Abukar (Uunlaye) Waxa lagu Xasuusan doona inu aha ganacsadaha keliya Ee Hantidiisa u quuray dalkiisa Hooyo,  1989 Dowladdi AUN Maxamed Siyaad Barre Waxay u Aqoonsatay kuna Abaalmarisay Ibrahim Uunlaye ganacsadaha keliya ee Hantidiisa geliyey Dalkiisa, Waxana u Tartanka kaga guuleystay Jirde Hussein

Allaah Ha U Naxariiste Ibrahim Uunlaye Waxa lagu Xasuusan doona Muwadiin Jecel dalkiisa Hooyo in badana ka soo shaqeeyey Horumarinta Wadankiisa

Posted in: English